DHEGEYSO:Kenya oo maanta laga xusay maalinta shaqaalaha adduunka

0
561

Waxaa maanta dalkani Kenya si la mid ah waddamada kale ee dunida looga dabbaal degay maalinta caalamiga ee shaqaalaha.
Xuskan ayaa sanad kasta la qabtaa 1-da bisha Shanaad ee May oo maanta ku beegan.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo kenyaanka khudbad ugu jeedinayay fagaaraha Uhuru Gardens ee ismaamulka Nairobi ayaa amray in shaqaalaha loo sameeyo mushaar kordhin ah boqolkiiba 6 sidii ay dowladdu ballan qaadday sanadkii hore.
Waxaa uu wasaaradaha shaqada iyo adeegga dadweynaha faray in ay xaqiijiyaan in dhammaan shirkadaha loo shaqeeya ay dhaqangeliyaan mushaar kordhinta .
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in iyadoo loo maraya barnaamijyada hooyga la awoodi karo ee ay dowladdu dhisaysa iyo wax ka qabashada isbeddelka cimillada , in Kenya ay horumar gaarsiin karaan shaqaalaheeda.