DHEGEYSO:Karua oo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Ruto

0
82

Hoggaamiyaha Xisbiga PLP Martha Karua ayaa si adag u dhaleeceysay hadallo aan ixtiraam lahayn oo uu Madaxweyne William Ruto ka jeediyay ismaamulka Machakos, iyadoo ku boorrisay inuu qaato hab-dhaqanka iyo mas’uuliyadda laga filayo hoggaamiyaha qaranka.
Iyada oo ka hadashay dowlad deegaanka Tana River Karua ayaa waxaa ay ku eedeysay dowladda sal ballaaran iyo hoggaamiyeyaasheeda inay dayaceen danta dadweynaha iyagoo u hiilinaya faa’iido siyaasadeed halka muwaadiniinta ay wajahayaan caqabado aan la xallin.
Hadalkeeda ayaa yimid iyadoo ay sii kordhayaan cambaareynta ka dhanka ah hadallada Madaxweynaha intii ay socotay safarkiisii afarta maalmood ee uu ku tagay gobolka Ukambani, halkaas oo uu si isdaba joog ah ugu tilmaamay kuwa ka soo horjeeda inay yihiin “doqomo maskax la’aan ah,” inkastoo uu dadweynaha ugu baaqay in la joojiyo siyaasadda cayda.