DHEGEYSO:Kalonzo oo sheegay in ay keliya wada shaqeyn karaan Gachagua

0
137

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa gaashaanka u daruuray inuu la shaqeyn karo maamulka talada dalka haya ee Kenya Kwanza.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweyne ku xigeenka waddanka Prof. Kithure Kindiki uu sheegay inuu raadin doono Kalonzo si ay isku kaashadaan.
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in Musyoka laga heli karo talo wanaagsan maadaama uu hoggaankiisu yahay mid la ixtiraamo.
Madaxa Wiper ayaa ku celceliyay inuu ka sii mid ahaan doono mucaaradka mideysan oo ay keliya wada shaqeyn karaan madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua oo uu ku tilmaamay shakhsi runlow ah.