Madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka ahna xildhibaanka deegaanka Bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad ayaa si kaftan ah u sheegay inuu noqon doono guddoomiyaha agoomada siyaasadeed.
Waxaa uu ka jawaabayay qoraallo lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in maadaama uu Raila Odinga geeriyooday in aayihiisa siyaasadeed uu mugdi geli doono.
Hasa ahaate waxaa uu xusay in uunan keligiis ahayn oo ay jiraan dad badan oo siyaasad ahaan Raila tebi doono.
Waxaa uu intaasi ku daray in Raila ay is barteen sanadkii 2001-dii intaasi ka dibna uu isagoo 25 sano jir ah ka dhigay duqii Migori.
Junet ayaa tilmaamay in Raila ay aad isugu dhawaayeen oo uu ka murugooday geeridiisi.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in Raila Odinga uu ahaa shakhsi cajiib ah oo sida uu hadalka u dhigay garanayay xilliga la dagaallamo iyo xilliga hubka la dhigo.
Wuxuu xusay inuu labadiisa gacmood ku kala siday dab iyo biyo balse uu nabadda jeclaa.
Junet ayaa sheegay inuu tabi doono wicitaannadii Raila Odinga oo uu hoosta ka xarriiqay in kenyaanka aynan heli doonin qof la mid ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in baarlamaanka uu dhawaan dhaqangelin doono warbixintii laga soo saaray wada hadalladii siyaasadeed ee heerka qaran ahaa ee lagu qabtay xarunta BOMAS ee magaalada Nairobi ee loogu magacdaray NADCO.