DHEGEYSO:IPOA oo baareysa toogashadii ka dhacday Huruma iyadoo aan weli la shaacin sarkaalkii ku lugta lahaa

0
245

Hay’adda Madaxa Bannaan ee Kormeerka ku sameysa howlaha Booliiska (IPOA) ayaa bilowday baaritaan ku saabsan dilka Sheryl Achieng, oo la sheegay in ay Sabtidii booliis ku toogteen xaafadda Huruma ee magaalada Nairobi.
Muuqaal la helay ayaa muujinaya dhacdooyinkii ka horreeyay geerida Sheryl, oo ay ku jiraan marag fur ka yimid qof ay weerareen koox burcad ah, taasoo keentay howlgal ay booliiska ku baadi goobayeen kooxdan.
IPOA ayaa la filayaa inay baaritaan ku sameyso duruufaha toogashada, si loo ogaado sida ay wax u dhaceen iyo cidda ka dambeysay dhacdada. Booliiska ayaa ilaa hadda shaacin magaca sarkaalka lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa toogashada.