In ka badan boqol hooyoyiin ah oo ku sugan Isbitaalka Mama Lucy Kibaki ayaa ku xayiran halkaas, maalmo ka dib markii ay dhaleen, maadaama aysan awoodin inay baxaan sababo la xiriira lacagaha biilka isbitaalka oo aysan bixin.
Inta badan haweenka ayaa ah hooyooyin dhalinyaro ah oo ka yimid Kayole, halka laba kalena ay ka yimaadeen wadamada deriska ah.
Hooyooyinka ayaa sheegaya in lacagaha lagu soo qortay isbitaalka ay aad u badanyihiin balse isbitaalka ayaa sheegay in uu u eegayo naxariista.
Isbitaalka Mama Lucy ayaa sheegay in hooyooyiinka ay ku guuldareysteen in ay iska diiwaangaliyaan ceymiska caafimaadka bulshada ee SHA.




