Imaamyada muslimiinta ah ee gobolka Galbeedka ayaa doonaya in isbedel lagu sameeyo golaha sare ee muslimiinta Kenya (SUPKEM), iyagoo ka cabanaya wax ay ku tilmaameen hufnaan la’aan iyo kala qeybsanaan joogto ah.
Isagoo ka hadlayay shir ay isugu yimaadeen imaamyada iyo daaciyiinta galbeedka Kenya oo lagu qabtay masjidka Jamia ee magaalada Malaba ee ismaamulka Busia ayaa madaxda ay ku baaqeen in xilalka laga qaado qaar ka mid ah maamulayaasha SUPKEM isla markaana xilalka loo dhiibo xubno cusub.
Waxaana hogaaminayay gudoomiyaha CIPK ee ismaamulka Busia Sheekh Ramadhan Muusa.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Imaamyada muslimiinta ah ee gobolka Galbeedka dalka oo ka cabanaya SUPKEM