Imaam lagu eedeeyay inuu khiyaaneeyay dad muslimiin ah ayaa la filayaa in Talaadada maanta ah ay maxkamadda go’aamiso in dammaanad lagu sii daayo ama uu sii xirnaado inta baaritaanka laga soo gabagabeeynaayo.
Ustaad Cumar Athman ayaa la horgeeyay maxkamadda ka dib eedeymo la xiriira inuu ka qaatay qof muslim ah lacag ka badan 700,000 shillinka dalka ah, isagoo u sheegay inuu u fududeyn karo safarkiisa Xajka.
Athman ayaa waxaa Axadii lagu xiray gudaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Jomo Kenyatta (JKIA) markii uu dalka ku soo laabtay.
Ka dib xarigiisa, dad kale oo dhibbane ah ayaa dacwado ka gudbiyay saldhigyo booliis oo kala duwan, taasoo sii ballaarisay baaritaanka kiiskan.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Imaam lagu soo oogay dacwad musuqmaasuq oo la xiriirta khiyaano lacageed




