Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka (IEBC) ayaa si rasmi ah maanta u bilaabaysa diiwaan gelinta joogtada ah ee codbixiyayaasha si loogu diyaar garoobo Doorashooyinka Guud ee sanadka 2027.
Guddigan ayaa Barnaamijkan ka bilaabi doona ismaamulka Kajiado, guud ahaan Gobolada kale ee dalka ayaa iyaguna laga bilaabi doona diiwaangalinta codbixiyaasha.
Diiwaangelinta codbixiyayaasha ayaa la hakiyay bishii Juun ee sanadkii 2022-kii ka hor doorashadii Ogosto ee sanadkaas.
Komishanku waxa uu bartilmaameedsanayaa in la diwaan geliyo 6.3 milyan oo codbixiyeyaal cusub ah, kuwaas oo da’doodu gaartay 18 jir iyo kuwa aan hore isu diwaangelinin, iyo sidoo kale fududaynta codbixiyayaasha doonaya in ay codbixintooda ama kuurahooda u wareejiyaan goobo kala duwan.
Mid ka mid ah hawlwadeenada IEBC ayaa ka warbixinaya Barnaamijkan maanta laga daahfuray Kajiado.
Dhankiisa Aden Muhumad Cumar oo loo yaqaano Aden Gaab oo ka mid ah waxgaradka ismaamulka Garissa ayaa bulshada ugu baaqaya inay iska diiwaangaliyaan doorashada guud.