DHEGEYSO:IEBC oo digniin ka soo saartay jabinta sharciga doorashooyiinka

0
38

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo xuduudaha dalka (IEBC) ayaa ka digay jebinta sharciyada doorashada ka hor, iyo inta lagu jiro doorashooyinka ku celiska ah ee Khamiista soo socota taasi oo ka dhici doonta qaybo kala duwan oo dalka ah.
Sarkaalka guddiga, Mohammed Hassan Nuur, oo kormeerayay qaybinta agabka codbixinta, ayaa codbixiyayaasha iyo mas’uuliyiinta IEBC u xaqiijiyay ammaankooda ka dib kulan gaar ah oo uu guddiga la yeeshay taliyaha Guud ee ciidamada Booliska Qaranka Douglas Kanja.