DHEGEYSO:Hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo sheegay in Ruto uu ‘jahwareersan yahay’ ka dib soo dhawayntii Kalonzo ee Nyanza

0
203

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka midaysan ayaa ka jawaabay eedeeyn uu dhawaan u jeediyay madaxweyne William Ruto taasoo eheed in ay wadaan hanqaltaag siyaasadeed, iyagoo sheegay in madaxweynaha uu ka walaacsan yahay soo dhawaynta hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ee gobolka Nyanza, taas oo ay sheegeen inay sii adkeynayso hab dhaqankiisa siyaasadeed.
Waxaa ay Talaadadii ka hadleen deegaanka Gilgil ee dowlad deegaanka Nakuru ka dib markii ay ka qayb galeen aaska Terry Kariuki.
Hoggaamiyeyaasha ayaa weerar afka ah ku qaaday Ruto, iyagoo sheegay inuu wareersan yahay maadaama mucaaradka laga aqbalay gobolka Nyanza.
Waxaa ay meesha ka saareen eedaha ah in mucaaradka ay doonayaan inay difaacaan danahooda gaarka ah iyagoo dhisaya dowlad, iyagoo ku adkaystay inay hayaan hal howlgal oo muhiim ah kaasoo ah inay xukunka ka tuuraan madaxweyne Ruto.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sidoo kale beeniyay eedaha sheegaya in xubin ka tirsan kooxdooda ay wadahadallo kula jiraan Ruto, iyagoo ku tilmaamay warbixinnada inay yihiin hadallo been abuur ah oo ay dowladda maalgelinayso.