Hogaamiyayaasha dowladda Kenya Kwanza ayaa ugu yeeray bulshada Maasai ee ismaamulka Kajiado inay iska deereyaan siyaasadda mucaaradka ee uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua iyaga oo ku eedeeyay in uu dowladda ka been abuuranaayo.
Mudanayaasha xulafada la ah madaxweyne William Ruto ayaa diiday booqashadii uu Gachagua dhawaan ku tagay Kajiado, iyaga oo ku andacoonaya in uusan keenin xal dhab ah – kaliya hadallo la doonayo in dadka deegaanka looga soo horjeedo dowlad ay sheegeen in ay wax u qabaneyso dadka.
Hogaamiyayaashan oo uu hogaaminayay hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah, ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday hogaamiyayaasha deegaanka ee xulafada la ah Gachagua iyagoo ku eedeeyay inay bulshada ku marin habaabiyeen dano siyaasadeed oo gaar ah.
Waxay hadalkan ka sheegeen munaasabad ay soo qaban qaabisay wakiilka haweenka Kajiado Leah Sankaire oo ka dhacday machadka waxbarashada macalimiinta Kajiado taasoo kulmisay haweenka, dhallinyarada iyo dadka naafada ah ee hoos yimaada barnaamijka awoodsiinta NGAAF.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Hoggaamiyayaasha UDA oo ku baaqay in Kenyaanka ay iska fogeyaan siyaasiyiinta mucaaradka