DHEGEYSO:Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka oo sheegay in ay miisaaniyad dheeraad ah u qoondeynayaan tacliinta

0
383

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ,Anthony Kimani Ichung’wah ayaa sheegay in golaha qaran ee xeer dejinta uu dhaqaale u qoondeyn doono tacliinta dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare marka la eegaya miisaaniyadda dheeraadka ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in iyagoo kor-joogteynaya golaha fulinta ee dowladda haddana in ay dhanka kale xaqiijin doonaan in howlaha waxbarashada aan loo carqaladeyn miisaaniyad yari.
Xildhibaanka ayaa madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ka codsaday inuu garab ku siiyo sidii arrintan looga dhabeyn lahaa.
Kimani Ichung’wah ayaa xilli uu deegaanka Koonfurta Mbeere ee ismaamulka Embu uu uga qayb galayay barnaamij awoodsiin dhaqaale ah waxaa uu yidhi.