Hogaamiyayaasha xisbiga ODM ayaa si adag u dhaleeceeyay kuwa mucaaradka kadib markii ay shalay wax ka sheegeen xaalada caafimaad Raila Odinga.
Hogaamiyayaasha oo ay ka mid yihiin ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga ODM Abdulswamad Sharrif Nassir, Godfrey Osotsi iyo xoghayaha guud ee xisbiga Edwin Sifuna, ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha inay joojiyaan arrimaha marin habaabinta oo ka dhan ah caafimaadka Raila Odinga.