DHEGEYSO:Hoggaamiyaasha Musliimta oo madaxweyne Ruto ugu baaqay in uu masjid ka dhiso aqalka madaxtooyada

0
245

Ka dib markii madaxweynaha dalka William Ruto uu go’aansaday in uu aqalka madaxtooyada dalka looga arrimiyo ka dhex dhiso kaniisad ayaa Hogaamiyayaasha Muslimiinta Mombasa ku booriyay Madaxweyne Ruto inuu sido kale State House ka dhex dhiso masjid si uu qadarin ugu muujiyo diinta islaamka.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in kaniisadda uu dhisayo uu u adeegsanayo lacagtiisa,iyadoona kaniisadaas lagu dhisayo hanti dhan 1.2 bilyan oo shilin.
Dhankooda hoggaamiyaasha Muslimiinta Mombasa ayaa iyaguna sheegay in aqalka madaxtooyada ay ka shaqeeyaan dad kala diin ah loona baahan yahay in madaxweynaha uu halkaas ka hirgaliyo masjid lagu cibaadaysto.