DHEGEYSO:Hal qof oo ku dhintay shaqaaqo ka dhacday Narok

0
389

Hal qof ayaa ku dhintay mid kalena waxa soo gaaray dhaawac halis ah kadib iska horimaad ka dhacay deegaanka Ngoswani ee ismaamulka Narok.
Laba kooxood oo iska soo horjeeda ayaa ku dagaalamaya lahaanshaha dhul ku yaala deegaankaas oo lagu muransan yahay. Dhulkan oo lagu qiyaaso 110 acres ayaa muddo dheer muran ka taagnaa ilaa dhawaan markii maxkamad ay amartay in la qaybiyo lana kala xadeeyo koox 500 ah oo sheegtay lahaanshaha.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa dowladda ka codsaday inay xal waaro ka gaaran arrinta dhulalka ee ku soo badaneyso dowlad deegaanka Narok.