Hal qof ayaa dhintay siddeed kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii ay ku soo rogmatay dhoobo xili ay ku sugnaayeen goob macdanta laga qodo deegaanka Shinyalu ee ismaamulka Kakamega.
Goobjoogayaal iyo mas’uuliyiinta deegaanka ayaa ka warbixiyay dhacdadan iyadoona bulshada baaq loo diray.




