Dawladda dalka waxay ka fiirsanaysaa inay hub siiso guddomiye xaafadeedyada ka hawlgala xuduudaha iyo ismaamulada au nugul weerarada burcadda iyo maleeshiyadka Al Shabaab.
Isagoo qiimeyn ku sameynayay xaaladda amni ee ismaamulka Tana River, wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaranka Kipchumba Murkomen ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah loo wareejyo saaraakiisha ammaan ee hal xarun ku sugan muddo 8 sano ah.
Tan ayaa imaanaysa Weerarkii gaadmada ahaa iyo af-duubkii loo gaystay shan guddoomiye xaafadeed ee ku sugnaa magaalada Ceelwaaq ee ismaamulka Mandera.
Afduubkooda ayaa waxaa gaystay rag looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab,iyagoona maalmo ka hor xuriyadooda dib u helay.
Muddooyiinkii la soo dhaafey waxaa weeraro dhowr ah lala beegsaday gudoomiye xaafadeedyada deegaanka kuwaas oo loo igmaday in ay sugaan ammaanka dadka rayidka ah.