DHEGEYSO:Guddoomiyaha baarlamaanka oo dhaliil u jeediyay Kalonzo Musyoka

0
173

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula ayaa madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ku dhaliilay inuu su’aal geliyay magacaabidda mas’uuliyiinta sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee IEBC.
Waxaa uu kula taliyay in haddii uu cabasho qabo uu la wadaago guddiga arrimaha cadaaladda iyo dastuurka ee baarlamaanka ee JLAC.
Waxaa baaq kani la mid ah diray siyaasiyiin ay ka mid yihiin hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Anthony Kimani Ichung’wah , dhiggiisa aqalka sare Aaron Kipkirui Cheruiyot iyo gacan-yaraha madaxweynaha Farouk Kibet.

Xildhibaannada isbeheysiga talada dalka haya ee Kenya Kwanza ayaa wacad ku maray in ay ansixin doonaan saraakiisha IEBC ee la magacaabay.