DHEGEYSO:Guddiga Masjidka Jamia ee Nairobi oo cambareeyay baadari faafiyay hadalo naceyb oo ka dhan ah Muslimiinta

0
56

Guddiga Masaajidka Jamia ee Nairobi ayaa bayaan uu soo saaray ku baaqay in si degdeg ah tallaabo looga qaado baadiri kaniisadeed,oo lagu eedeeyay in uu faafiyay muuqaal uu ku muujinayay naceyb ka dhan ah Muslimiinta ,taasi oo loo aqoonsaday inay tahay kicin bulsho.
Maamulka Masjidka Jamia wuxuu ku boorriyay Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC inay qaadaan tallaabooyin ku habboon baadirigaas taasi oo lagu tilmaamay inay yihiin kuwo Bulshada kala qaybinaya, kicinaya, iyo sido kale khatar ku ah isku xirnaanta qaranka.
Isagoo ka hadlayay Masaajidka Jamia intii lagu jiray khudbadda salaadda Jimcaha ee shalay Sheekh Ibrahim Lethome wuxuu cambaareeyay hadallada baadirigaas isagoo ku tilmaamay xadgudub lagu sameeyay qiyamka diinta islaamka iyo dhaqanka Kenya sida ku xusan Dastuurka.
Sheekh Lethome ayaa xaqiijiyay in Muslimiintu ay si nabad ah ula noolaayeen dadka aan Muslimiinta ahayn jiilal badan, wuxuuna ku eedeeyay shakhsigaas lagu magacaabo Mathew Israel inuu isku dayayo inuu khilaaf ka dhex abuuro dadka Kenya ee diimaha kala duwan haysta.