DHEGEYSO:Golaha CIPK oo codsi u diray madaxweynaha

0
374

Golaha sare ee Imaanyada iyo Ducaada dalka ee CIPK ayaa kulan ay ku yesheen magaalada Mombasa waxaa ay madaxweynaha kaga codsadeen inuu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Qaran Kipchumba Murkomen xilka ka qaado.
Waxaa ay sheegeen in xitaa hadii shaqada laga tiri karin loo bedelo wasaarad uusan dhibaato weyn u geysani karin Kenyaanka.
CIPK ayaa sidoo kale dowladda ku booriyay inay wadahadal la yeelato dhalliyarada si loo gaar xal waaro.
Dhanka kale qareen fadhigiisu yahay magaalada Nairobi oo lagu magacaabo Kepha Ojijo ayaa ururka qareenda dalka ee LSK u gudbiyay dacwad uu ku doonaayo in looga saaro darajada qareenimo ku xigeenka hoggaamiyaha qaranka Prof. Kithure Kindiki iyo Onesmus Kipchumba Murkomen.
Waxaa uu sabab uga dhigay dacwada uu u gudbiyay LSK habka xun oo ay ula dhaqmeen dibadbaxyadii dalka ka dhacay tan iyo 25-kii June ee sanadkii 2023-kii oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof.
LSK ayaa dhankeeda xaqiijisay inay warqada dacwada soo gaartay Isniintii shalay.