DHEGEYSO:Geoffrey Ruku oo ka digay maamulayaasha iyo wakiillada Degmada isticmaalka qaldan ee kheyraadka abaaraha

0
155

Wasiirka Adeegga Dadweynaha Geoffrey Ruku ayaa ka digay guddoomiye xaafadeedyada ku sugan deegaannada ay abaaruhu saameeyeen inay si qaldan u isticmaalaan ama u leexiyaan kheyraadka loo qoondeeyay taageerida dadka la tacaalaya abaaraha.
Isagoo ka hadlayay ismaamulka Tana River Sabtidii, Ruku ayaa ku booriyay hoggaamiyeyaasha inay hubiyaan in raashinka gargaar ee ay dowladda qaybiso uu gaaro dadka baahan.
Wasiirka ayaa sidoo kale faray inay diiwaan geliyaan oo ay soo sheegaan guryaha la kulma gaajo si tallaabo ku habboon loo qaado. Tilmaamahan ayaa si gaar ah loogu diray guddoomiye xaafadeedyda, ku xigeennadooda, maamulayaasha tuulooyinka, guddoomiyeyaasha dowladda dhexe ku matallo dowlad deegaannada ku xigeennadooda iyo wakiillada degmooyinka.
Wasiirka iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa hadaladooda ka mid ahaa.