Wasaaradda Ganacsiga ee Gaarisa ayaa bilowday inay qaadato aragtiyo ka imanaya ganacsatada magaalada oo ku saabsan hindise sharciyeedka qaran ee horumarinta ganacsiga ee sannadka 2025, kaas oo ujeedkiisu yahay in laga saaro caqabado badan oo ka jira waaxda ganacsiga.
Ganacsatada ayaa kulankaas kaga cabtay tirada badan ee baraha kontaroolka waddooyinka ee lagu qaado canshuuraha, arrintaas oo ka dhigaysa jawiga ganacsiga mid sii adkaanaya.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Ganacsatada Gaarisa oo cabasho ka muujiyay caqabadaha canshuuraha iyo jidgooyooyinka ganacsiga adkeeya




