DHEGEYSO:Gachagua oo sheegay in mucaaradka ay ku heshiyeen hal musharax oo la tartama madaxweyne Ruto

0
460

Ku xigeenkii hore ee madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa shaaca ka qaaday in mucaaradka mideysan ay ku heshiyeen in ay soo saran hal musharax oo madaxtinimada dalka kula tartama madaxweyne William Ruto doorashada 2027-ka.
Gachagua oo Axadda maanta ah ka hadlay ismaamulka Nyandarua ayaa sheegay in aan weli lagu heshiin qofka la tartami doono madaxweyaha balse ay ku heshiyeen oo kaliya in hal qof laga soo dhex saaro ku dhawaad 5 qof oo u hanqal taagaayo inay Ruto xilka ka badalaan. Waxaa uu sidoo kale ka hadlay dhallinyaradii walaaca ka muujiyay magacaabista Dr. Mukhisa Kituyi oo dhawaan loo magacaabay afhayeenka mucaaradka.