Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in ay is garabsanayaan madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka , dhiggiisa DAP-K Eugene Wamalwa, barasaabka ismaamulka Trans Nzoia George Natembeya iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i.
Waxaa uu xusay in ay doonayaan inay soo dhisaan isbeheysi awood siyaasadeed leh oo marka la gaaro sanadka 2027-da beddela hoggaaminta madaxweyne William Ruto.
Waxaa uu maamulka madaxweyne Ruto ku eedeyay in uunan ka dhabeyn waxyaabihii uu u ballan qaaday shacabka ismaamulka Kirinyaga ee bartamaha dalka.