Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua oo weli ku maqan Maraykanka ayaa ku baaqay in go’aan ka gaaridda arrimaha masiiriga ah ee waddanka laga qayb geliyo muwaadiniinta kenyaanka ah ee ku nool qurbaha.
Baaqan ayuu diray xilli uu la kulmay shacabka ku sugan magaalada Dallas ee gobolka Texas.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qurbajoogta ay door wayn ku leeyihiin qaabeynta siyaasadda iyo dhaqaalaha qaranka.
Gachagua ayaa u sheegay inuu uga mahadcelinaya waddaniyadooda iyo sida joogtada ah ee ay uga hadlaan arrimaha ka taagan Kenya.
Dhanka kale , waxaa lagu soo warramayaa in booliiska ay kala eryeen xulufada siyaasadeed ee Gachagua oo doonayay in ay isku soo bax ku qabtaan deegaanka Gilgil ee ismaamulka Nakuru.
Waxaa halkaasi ku dhaawacmay hal qof .
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga DCP oo ay ka mid yihiin senatarka ismaamulka Nyandarua John Methu iyo dhiggiisa Kiambu Karungo wa Thang’wa oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi.