DHEGEYSO:Dugsiga sare ee gabdhaha ee St. Georges ee magaalada Nairobi oo la xiray

0
445

Dugsiga sare ee gabdhaha ee St. Georges ee magaalada Nairobi ayaa albaabada loo laabay muddo aan la cayimin kadib markii ardaydu ay rabshado xalay sameeyeen.
Gabdhahan ayaa ka cabanayay wax ay ku sheegeen in macalinka iskuulka uu garaacay arday.
Gudoomiyaha ammaanka dowladda dhexe ku mata ismaamulka Nairobi ayaa sheegay in ay bilaabayaan baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Tan ayaa imaanaysa iyadoo ardayda ay isku diyaarinayaan imtixaanada qaran ee sanadkan.