DHEGEYSO:Ducaale oo sheegay in SHA aysan bixin doonin kharashka caafimaadka ee Koimburi

0
562

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dalka Aadan Barre Ducaale oo ka hadlay magaalada Eldoret ayaa ka dhawaajiyay in maamulka caymiska caafimaadka bulshada ee SHA aysan bixin doonin kharashka daaweynta xildhibaanka deegaanka Juja ee ismaamulka Kiambu George Koimburi oo haatan ku jiro isbitaalka Karen ee magaalada Nairobi.
Ducaale ayaa sheegay in xildhibaanka uu abaabulay afduubkii loo geestay sidaas darteedna uu faray madaxa fullinta ee maamulka SHA Dr. Mercy Mwangangi inaysan meel marin lacagta ku baxeysa daaweynta mudanaha.