Dowladda ayaa haatan ka codsatay waalidiinta, cullimaa’uddiinka iyo odayaasha dhaqanka inay door firfircoon ka qaataan sidii ay dhallinyarada ugu hagi lahaayeen qaab nabadeed oo sharci ah oo ay ku jirto ka qayb qaadasho bulsho.
Arrintan ayaa timid ka dib dibadbaxyo rabshado wato oo todobaadkii hore ka dhacay qaybo ka mid ah dalka kuwasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof in ka badan ne 400 ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka ee KNCHR.
Isagoo ka hadlay furitaanka rasmiga ah ee maamul hoosaadka Mutarakwa iyo Kapletundo ee ismaamulka Bomet Xoghaya guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Qaran Dr. Raymond Omollo ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la kobciyo ixtiraamka hay’adaha ammaanka iyo sharciga dalka ee dhallinyarada.
Dr. Omollo ayaa cambaareeyay iska horimaadka u dhexeeyay dhallinyarada iyo booliiska iyo sidoo kale bililiqada baahsan ee loo geestay ganacsatada isagoo sheegay in dalka uu u nugul yahay inuu ku dhaco fowdo hadii ay arrintan sii socoto.
Waxaa uu siyaasiyiinta u jeediyay inaysan dhallinyarada u adeegsan dano gaar ah ama kuwo siyaasadeed.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Dowladda oo ugu baaqday waalidiinta iyo odayaasha dhaqanka inay dhallinyarada dhaqanka wanaagsan...