DHEGEYSO:Dowladda oo qarashaadka SHA ka bixinaysa 1.5 milyan oo qof

0
229

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa sheegay in berri oo Jimco ah uu maamulkiisa bixin doono qarashaadka caymiska caafimaadka bulshada ee SHA ee ilaa 1.5 milyan oo qof oo isugu jiro dad aan shaqeyn iyo kuwo danyar ah oo cabasho ka muujiyay arrintan.
Waxaa uu ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ka sheegay in dhammaan kenyaanka ay xaq u leeyihiin in ay helaan daryeel caafimaad oo tayo leh.

Dhanka kale wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka, Aadan Barre Ducaale ayaa shaaciyay in ugu yaraan 26 milyan oo qof ay iska diiwaangeliyeen caymiska SHA.
Waxaa uu tani u aaneeyay olole laga sameeyay dowlad deegaannada waddanka.
Xilli uu ku sugnaa magaalada Ol-kalou ee ismaamulka Nyandarua ayuu wasiir Ducaale ku baaqay in sare loo sii qaado diiwaangelinta dadweynaha ee caymiska caafimaadka.