Dadweyne careysan oo ku nool dowlad deegaanka Tharaka Nithi ayaa carqaladeeyay kulamo badan oo miisaaniyadeed ee sanad maaliyadeedka 2025/2026, iyagoo ku eedeeyay dowladda ismaamulka musuq maasuq, balanqaadyo maran iyo ku takri fal hanti dadweyne.
Iska hor imaadyo rabshado wata ayaa sababay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen iyadoo loolan siyaasadeed iyo niyad jab hoose ay hurinayaan gobolka.
Rabshadahan ayaa ka bilaabmay deegaanka Tharaka Nithi iyagoo u sii gudbay deegaanada kale ee kala ah Chuka Igambang’ombe iyo Maara iyadhoo dadweynaha ay dalbadeen in laga jawaabo sida in ka badan 2.3 bilyan oo loogu talagalay horumarinta dowlad deegaanka ay meesha ka baxday iyada oo aan wax raad ah laga haynin.
Maamulka gobolka ayaan weli jawaab rasmi ah ka bixin arrimahan.
Qaar ka mid ah shacabka caraysnaa ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Dhowr qof ayaa ku dhaawacmay rabshado ka dhashay fagaarayaasha miisaaniyadda ee Tharaka...