DHEGEYSO:Dadka u dooda xuquuqda aadanaha Mombasa oo cambaareeyay in loo diiday dibadbax

0
493

Qaar ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha Bulshada ee Mombasa ayaa si weyn u cambaareeyay in loo diiday in ay ka qeyb qaataan dibadbaxyada Saba Saba oo loo qorsheeyay in lagu xuso dadkii dimuqaraadiyad doonka ahaa kuwaas oo waxyeelo soo gaartay sanadkii 1990-kii.

Qaar ka mid ah Kenyaanka kale ayaa dhaliilay in laga hor istaagay in ay u dagaalamaan xuriyadooda.

7-da Luulyo ayaa la xusuustaa maalintii ay dadka Kenyaanka ah waddooyinka isugu soo baxeen sannadkii 1990-kii, iyagoo dalbanaya dalbanaya doorasho xor ah iyo ansixinta dimuqraadiyadda xisbiyada badan ee Kenya.
Sannadkan, sannad-guuradan ayaa dib u dhac ku yimid ,iyadoo dhalinyarada ay doonayaan in ay xusaan dhalinyaradii ku waxyeeloowday dibadbaxyadii dalka ka dhacay 25-kii bishii June ee sanadkii 2024-kii.
Waxaa wali gudaha dalkani Kenya ku sii kordhaysa carada dadweynaha oo ay ka qabaan ciidamada Booliska oo lagu eedeeyay in si arxaan darro ah ula dhaqmaan dibadbaxayaasha,afduubka dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada,musuqmaasuqa iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee sii xumaanaya.