DHEGEYSO:Dadka deegaanka Kirinyaga oo bannanbax sameeyay

0
303
Protesters stand on the road during clashes in the Mathare area of Nairobi, Kenya Wednesday, July 19, 2023. Kenyans were back protesting on the streets of the capital Wednesday against newly imposed taxes and the increased cost of living. (AP Photo/Brian Inganga)

Dadka deegaanka Mukithi ee ismaamulka Kirinyaga ayaa isugu soo baxay waddooyinka fiidnimadii Sabtida si ay u dalbadaan cadaalad ka dib markii la dilay gabar 21 sano jir ehed oo lagu magacaabo Jackline Nyawira.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka booliiska ayaa Nyawira toogteen intay ay socdeen dibadbaxyadii dalka ka dhacay maalintii Saba Saba ee 7-dii bishan Luulyo.
Dibad baxayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen dhibaataynta joogtada ah ee qoyska Nyawira ay saraakiisha ammaanka ku hayaan. Waxa ay sidoo kale rajo xumo ka muujiyeen isla xisaabtan la’aanta, iyagoo xusay in maamulka uusan weli war rasmi ah ka soo saarin toogashadaasi. Dhimashada Nyawira ayaa caro ka dhalisay guud ahaan gobolka, iyadoo dadka deegaanka ay ku baaqeen in baaritaanno degdeg ah lagu sameeyo, tallaabana laga qaado saraakiishi ka dambeeyay.