DHEGEYSO:Carruur dugsi qur’aan u jeeday oo ku dhintay hoobiyaal maanta lagu weeraray Muqdisho

0
793

Tiro hoobiyeyaal ayaa maanta lagu garaacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Hoobiyeyaasha ayaa waxaa ay ku dhaceen degmooyinka Waabari ,Xamar Jab jab iyo Xamarweyne.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in madaafiicda qaar ay ku dhaceen guryo ay degan yihiin dad shacab ah.
Waxaa uu hoobiyaha waxyeeleen u gaystay laba carruur ah oo dugsi qur’aan u jeeday mid ka mid ahna uu ku nafwaayay .