Barasaabka ismaamulka Isiolo Cabdi Guyo ayaa beeniyay in uu ku sugnaa goobta uu fal dembiyeedka ka dhacay oo xafiiska agaasimaha dacwad oogista (ODPP) uu sheegay in lagu afduubtay sarkaalkii hore ee ismaamulka Isiolo ee dhanka caafimaadka Cabdiraxmaan Maxamed.
Xafiiska Renson Ingonga ayaa amar ku bixiyay in DCI-da ay soo xiraan barasaabka isagoo sheegay in cadaymaha CCTV-ga ay muujiyeen in Guyo uu ku sugnaa Hoteelka Outbark ee xaafada Maanzoni ee ismaamulka Machakos halkaas oo uu afduubka ka dhacay.
Guyo oo ka jawaabay arrintan ayaa maxkamadda sare ee Kiambu ka codsaday dhammaanad ka hor istaagayso saraakiisha DCI-da inay xiran ila amar dambe.
Xafiiska ODPP-ga ayaa sheegay in guddoomiyaha oo ay wehliyaan shan qof oo kale, ay wajihi doonaan eedeymo la xiriira xatooyo iyo afduub.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Cabdi Guyo oo iska fogeeyay eedeymaha uu u soo jeediyay xafiiska dacwad...