DHEGEYSO:Bulshooyiinka Meru iyo Garissa oo isku raacay heshiis nabadeed

0
594

Hogaamiyeyaasha Ameru iyo Soomaalida ku nool ismaamulka Garissa ayaa balan qaaday in ay nabad ku wada noolaan doonaan ayna soo afjari doonaan xurguftooda iyagoo wada shaqeyn iyo ganacsi wada yeelanaya.
Mas’uuliyiintii ka hadashay xaflada caleema saarka ee ka dhacday magaalada Gaarisa ayaa waxaa ay aad u bogaadiyeen tariikhda dheer ee ay soo jireenka ah, waxayna kula dardaarmeen madaxda cusub in ay xaliyaan khilaafaadka yar yar ee ka dhex jira beelahaasi, iyadoo aan la hurin nacayb dhexdooda ah.
Waxaana arrintan ka hadlay xildhibaanka Garissa Township Major Deeqow barrow iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad deegaanka Maru.