Waxaa bulshada soomaaliyeed gaar ahaan waalidiinta iyo daryeel bixiyeyaasha loogu baaqay in aynan qarin carruurta qabo baahiyaha gaarka ah oo ay soo saaraan si noloshooda wax looga beddelo.
Waxaa baaqan diray xildhibaanka deegaanka bariga Wajeer Aadan Daauud , wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Faatuma Cabdi Jeexow iyo xildhibaanka deegaanka Garissa Township Deeqow Maxamad Barrow.
Dadweynaha ayaa laga codsaday in ay dadkan ka daayaan faquuqa ay ku hayaan iyo magacyada qalbi-jabka u horseeda ee ay ugu yeeraan.
Siyaasiyiintan oo uu hor kacayay barasaabka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa ka qayb galay olole loogu magacdaray #DontHideMe oo loola jeedo ha I qarin.
Waxaa ololahan oo lagu qabtay Wajeer diiradda lagu saaraya awoodsiinta carruurta qabo baahiyaha gaarka ah.