DHEGEYSO:Bukaanada Kansarka oo bannaanbax ka dhigay xaruunta dhexe ee SHA ee magaalada Nairobi

0
441

Bukaannada Kansarka ayaa Talaadadii banaanbax ka dhigay bannaanka hore ee Xarunta Maamulka Caafimaadka Bulshada (SHA) ee ku taal xaafada Upper Hill ee magaalada Nairobi, iyagoo dalbanaya in la kordhiyo ceymiska daaweyntooda.
Dibad baxayaasha ayaa dowladda ku eedeeyay inay indhaha ka qarsatay halgankooda, iyagoo ku dooday in lacagta hadda loo qoondeeyay SHA ay aad uga yar tahay kharashka dhabta ah ee lagu maareynayo cudurka.
Waqti xaadirkan, SHA ayaa waxaa ay siisaa 400,000 oo shillinka dalka ah bukaankiiba sanad walba si uu ugu maareeyo daawaynta kansarka iyadhoo ay bukaanada sheegeen in lacagtan aysan ku filnayn kharashka badan ee daryeelka.
Bukaannada oo intooda badan weli ay daweyn u socoto, ayaa ku boorriyay dowladda inay xoojiso caymiska caafimaadka ee daryeelka kansarka, iyagoo sheegay in qoondada hadda la qoondeeyay aysan ka tarjumayn qiimaha dhabta ah ee lagu maareynayo cudurka.
Codsigooda oo ku socday wasiirka Caafimaadka Aadan Ducaale, ayaa waxaa ka guddoomay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka isaga oo ballan qaaday inuu cabashadooda u gudbin doono wasiir Ducaale.