DHEGEYSO:Booliiska oo lagu eedeeyay dilka wil 19 jir ah ee degmada Mwiki

0
90

Dadka degmada Mwiki ee deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi ayaa walaac ka muujiyay dilka loo geestay wil dhallinyaro ah oo 19 sano jir ahaa oo lagu dilay mudaharaadyo ka dacay degmadaas ka dib kufsi loo geestay gabar lagu magacaabo Abigael Wina Wanjiku oo 18 sano jir eheed.
Joshua Steven ayaa lagu toogtay waddooyinka Mwiki xilli uu ka cararaayay sunta dadka ka ilmeysiiso oo lagu kala eryaayay dadkii bannaanbaxa wadhay.
Qoyska Joshua ayaa sheegay inuusan ku jirin dibadbaxayaasha oo ay booliiska sunta dadka ka ilmeysiisa ugu geliyeen dukaan lagu iibiyo gaaska cuntada lagu karsado oo uu ku dhex duumanaayay taasoo sababtay inuu banaanka u soo caroro halkaas oo sida ka muuqato camerooyiinka CCTV-ga sarkaal uu ku toogtay.
Adeegga Qaran ee Booliiska ayaa wali war rasmi ah ka soo saarin arrintan iyadhoo ilo-wareedyo ku sugan Saldhigga Booliiska Kasarani ay sheegayaan in baaritaannada lagu hayo hal askari oo la sheegay in uu ku hubaysnaa bastoolad u dhiganta midda muuqaalka laga arkay isla markaasna xirnaa dareeska booliiska ee ka muqday muuqalada.
Tani ayaa ku soo beegantay maalmo un ka dib markii mid ka mid ah weertada ka howlgala magaalada Nairobi ay booliiska ku toogteen gudaha xaruunta dhexe ee ganacsiga ee loo yaqaano CBD xilli ay socdeen mudaharaadyo lagu doonaayay inuu isku casilo ku xigeenka booliiska dalka Eliud Lagat.