DHEGEYSO:Booliiska Nairobi oo xaqiijiyay inay suggi doonaan ammaanka dibaxbaxyaasha 25-ka bishan

0
144

Saldhigga dhexe ee booliiska ee Central ee Nairobi ayaa u xaqiijiyay hooyooyinka iyo qoysaska dhibanayaasha mudaaharaadyadii ka dhanka ahaa hindishe Sharciyeedka Maaliyadda ee sannadkii hore in shirkooda mudaaharaadka ee la qorsheeyay Arbacada toddobaadka soo socda la suggi doono amnigiisa.
Taliyaha Booliiska ee Qeybta Central Stephen Okal oo la kulmay qabanqaabiyeyaasha mudaaharaadka, ayaa sheegay in saraakiishiisa ay siin doonaan ilaalin ku filan.
Qoysaskii laga dhintay ayaa mar kale ku celiyay baaqii nabadeed, waxayna ka digeen in gadoodka iyo siyaasiyiinta ay soo dhex galaan mudaharaadka.
Okal iyo saraakiisha booliiska ee saldhigga Central ayaa qirtay inay heleen ogaysiiska mudaharadyadaas iyagoo xaqiijiyay in la suggi doono aminga dhammaan dibadbaxayaasha.
Qoysaska murugeysan ayaa sheegeen inaysan socdaal kaliya sameyn doonin balse ay sidoo kale codsi hor geyni doonaan Baarlamaanka iyo Xafiiska Madaxweynaha si ay u dalbadaan in cadaalada la horkeeno saraakiishii ka dambeeyay falalka dilalka sharci darrada ah.