DHEGEYSO:Boniface Kariuki oo la xaqiijiyay inuu geeriyooday

0
481

Mid ka mid ah weertada ka howl gala magaalada Nairobi oo sarkaal uu madaxa ka toogtay xilli ay dhallinyarada dalka sameynayeen mudaharaad lagu dalbanaayay is casilaada ku xigeenka taliyaha guud ee booliiska dalka Eliud lagat ayaa geeriyooday.
Boniface Kariuki ayaa sida ay sheegeen qoyskiisa ka mid eheen dadkii dibadbaxaayay balse iibinaayay maskarada wajiga lagu xirto.
Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka qoyska Kariuki Emily Wanjira isbitaalka Qaran ee Kenyatta ayaa ku soo wargeliyay inuu Boniface geeriyooday abaare 3-dii galabnimo ee Isniinta shalay.
In kastoo ay dowladda ballan qaaday in kharashaadka caafimaadka loo cafiyay dhamaan dadkii ku wax yeeloobay dibadbaxyada qoyska Kariuki ayaa arrintan ku sheegay inay tahay hadal oo kaliya.
Waxaa ay Kenyaanka ka codsadeen inay garab istaag u muujiyaan xilligan ay dhibaatada la soo deristay iyagoo dowladda ugu baaqay in saraakiishii ka dambeeysay dhacdadan la hor keeno sharciga.