DHEGEYSO:Beeralayda Qaxwada oo ka soo horjeestay isbedeladda ay dowladda wado

0
125

Beeralayda kafeega ee dalka ayaa si weyn uga soo horjeestay qorshe ay dowladda ku doonayso in ay ku bixiso lacagahooda nidaamka dajinta tooska ah (DSS), taasi oo keentay in ay walaac ka muujiyaan burburka ku iman kara dhaq-dhaqaaqa iskaashatooyinka ee mudada dheer soo jiray.
Sida ku cad nidaamka DSS oo la soo bandhigay 2023-kii, bixinta lacagaha kafeega ayaa la soo mariyay Bangiga Co-operative, taas oo awood u siisay degsiimo waqtigeeda ah.
Si kastaba ha ahaatee, awaamiir ay soo saartay bishii Nofembar ee Wasaaradda Iskaashatooyinka ayaa ku dhawaaqday isbedel siyaasadeed oo ka bilaabmaya 1-da Luulyo ee 2025, kaas oo faraya in lacagaha DSS ay si toos ah ugu dhacaan akoonnada beeralayda ee gaarka ah halkii ay ka ahaan lahaayeen mid ka mid ah ururada iskaashatada.
Habka lacag bixinta iskaashatooyinka ayaa u sahlay bulshooyinka in ay ka jaraan khidmadaha maamulka, dib u bixiyaan deymaha beeralayda, iyo fududaynta helitaanka agabka iyo adeegyada ka hor inta aan dhaqaalaha soo haray loo wareejin beeralayda. Beeraley badan ayaa hadda ka baqaya in haddii laga gudbo bulshooyinkan ay curyaaminayso adeegyada muhiimka ah oo ay xumaanayso hab nololeedyadooda.
Intii lagu guda jiray shirka sanadlaha ah beeralay ka kala socday bulshooyin kala duwan ayaa ka dhawaajiyay inay ka soo horjeedaan qaab dhismeedka cusub ee lacag bixinta waxayna uga digeen guddiyada iskaashiga inay xogta xubnaha la wadaagaan dowladda ogolaansho la’aan. Dhowr ayaa ku hanjabay in ay meesha ka saarayaan xubnaha guddiga ee u hoggaansami waayo amarkooda.
Beeralayda ayaa ku doodaya in iskaashatooyinka ay door muhiim ah ka ciyaaraan helitaanka deymaha. Waxaa kaloo ay walaac ka muujiyeen hababka lacag bixinta taleefoonada sida M-Pesa, iyagoo ku andacoonaya inay caqabad ku noqon karto qorshaynta maaliyadeed ee waxtarka leh iyo miisaaniyadda qoyska.
Inkasta oo beeralayda ay ka soo horjeesteen arrintan Wasiirka Wasaaradda Iskaashatooyinka dalka Wycliffe Oparanya ayaa waxaa uu ku adkaystay in nidaamka DSS uu tahay mid wax ku ool ah, hubinaya lacag bixinta degdega ah iyo kordhinta daahfurnaanta.
Qaar ka mid ah beeraleyda Kafeega dalka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa dareenkooda ka mid ahaa.