DHEGEYSO:Barasaabka Wajeer oo shacabka ku boorriyey in ay isku diiwaangeliyaan caymiska SHA

0
82

Guddoomiyaha ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa dadweynaha kula taliyey in ay isku diiwaangeliyaan caymiska caafimaadka bulshada ee SHA si ay uga faa’iidaystaan adeegyada kala duwan.
Waxaa uu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii dhammaan shacabka Wajeer ay u heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Barasaabka ayaa xusay in dowladda ismaamulka Wajeer oo kaashanaysa SHA ay si buuxda u dabooli doonto lacagaha caymiska ee dadka qabo baahiyaha gaarka ah iyo bulshooyinka kale ee nugul.
Axmad Cabdullahi ayaa intaasi ku daray in isbitaalka heerka 5-aad ee Level 5 ee ismaamulka Wajeer laga bixin doono adeeg daliig oo lacag la’aan ah oo la siinaya dadka qabo baahiyaha gaarka ah.
Guddoomiyaha oo isdiiwaangelinta shacabka Wajeer ee caymiska SHA ku sheegay boqolkiiba 21 ayaa tilmaamay in haddii tiradaasi ay gaarto boqolkiiba 50 inuu aaminsan yahay in boqolkiiba 25 la yareyn karo qarashaadka ku baxa howlaha isbitaallada Wajeer.
Xilli uu dadweynaha ugu baaqayay in ay iska diiwaangeliyaan caymiska caafimaadka bulshada ee SHA oo lagu beddelay nidaamkii hore ee NHIF ayuu barasaabka Wajeer Axmad Cabdullahi yidhi.

Dhanka kale , barasaabka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa dhaliil u jeediyay maareeyaha miisaaniyadda dowladda Margaret Nyakang’o.
Waxaa uu ku tilmaamay in ay tahay halista ugu wayn ee uu wajahaya maamulka dowlad wadaajinta.
Axmad Cabdullahi oo sidoo kale ah guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada dowlad deegaannada ee CoG ayaa wacad ku maray in ay qaadi doonaan tallaabo sharciyeed oo ka dhan ah maareeyaha miisaaniyadda dowladda si baarlamaanka uu xilka uga qaado.
Waxaa uu su’aal geliyay sababta keentay in ismaamullada aan xilliga habboon lagu wareejin lacagaha loo qoondeeyo.