DHEGEYSO:Barasaabka ismaamulka Trans Nzoia oo la xiray

0
430

Gudiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa xabsiga dhigay barasaabka ismaamulka Trans Nzoia George Natembeya oo lagu eedeyay in uu lunsaday lacagaha ismaamulka.
Sida uu sheegay qareenka Natembeya Ndegwa Njiri, guddoomiyaha ayaa la geeyay xarunta EACC ee magaalada Nairobi subaxnimadii isniinta si bayaan looga qoro.
Waxa uu xusay in kooxdiisii qareenada ah loo diiday in ay la kulmaan, isla markaana Guddoomiyaha uu xabsiga ku sii jiri doono ilaa amar dambe.
Guddiga ayaa sheegay in ay baarayaan eedeymaha la xiriira barasaabka taasi oo ka dhan ah wax-is-dabamarin iyo ku takri fal xafiiseed.
Waxaa ayna ku eedeynayaan in uu si been abuur ah ku helay lacag dhan Ksh.1.4 bilyan.
Tan ayaa timid iyadoo maanta Saraakiisha booliska iyo dambi baarayaasha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ay tageen guriga barasaabka Trans Nzoia George Natembeya oo ku yaala magaalada Kitale.
Ciidamada booliiska ee ka hortagga rabshadaha ayaa kala eryay dad aad u badan oo isugu soo baxay bannaanka guriga Natembeya si ay u difaacaan barasaabkooda.
Xisbiga DAP-K ayaa bayaan uu soo saaray maanta oo isniin ah ku xaqiijiyay in ciidamo booliis ah iyo saraakiil ka tirsan EACC ay si lama filaan ah u tageen guriga Natembeya ee magaalada Kitale.
Arrintan ayaa timid kadib markii hogaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka uu kashifay qorshe la sheegay in lagu xirayo Natembeya.

Taagerayaasha Natembeya oo ka carrooday arrintan ayaa gubay taayaro iyagoo muujiyay sida ay uga xun yihiin in ciidamo ay weerar kuq aadaan guriga barasaabka dowlad deegaanka Trans Nzoia.
Xulafada baarsaabka Trans Nzoia ayaa ka hadlay arrintan oo uu hogaaminayay Wamalwa.