Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa tan iyo barqanimadii maanta ilaa sadqa dhexe ee caawa yeelanaya kal-fadhi gaar ah oo ay xildhibaannada ku xusuusanayaan noloshii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Amolo Odinga oo ku geeriyooday India.
Waxaa fadhigan horay u shaaciyey Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula.
Mudanayaasha ayaa muddadan uga faa’iidaysanaya in ay tacsi u diraan qoyska uu ka baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee qaranka oo ayna murugada la qaybsadaan si guud kenyaanka.
Siyaasiyiinta tacsida diray sidoo kalena ka sheekeeyay Raila Odinga waxaa ka mid ah xildhibaanka deegaanka Matuga ee ismaamulka Kwale ee gobolka Xeebta Tandaza, Kassim Sawa.
Sidoo kale, aqalka sare ee senate-ka ayaa isna laga billaabo 2:30 duhurnimo ee maanta yeelan doono kal-fadhi kani la mid ah.