DHEGEYSO:Atwoli oo sheegay in Islii ay hadda la mid tahay caasimadda Masar

0
838

Xoghayaha Guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee COTU , Francis Atwoli ayaa bulshada soomaaliyeed ku amaanay horumarka ganacsi ee ay sameynaysa.
Waxaa uu sheegay in marka la eego suuqyada Islii, ay la mid tahay in qofka uu joogo magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.
Atwoli ayaa carrabka ku adkeeyay inuu shalay soo gaaray xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji.
Xilli COTU ay qabanaysay munaasabad duco oo sanadle ah ayuu Francis Atwoli xusay in loo baahan yahay in soomaalida fursad loo siiyo in ay isbeddel ka sameyso Nairobi iyo magaalooyinka kale iyadoo aan cabasho laga muujin haddii aynan jirin cid kale oo horumarka sameyn karta.
Waxaa uu intaasi ku daray in mustaqbalka uu jiri doono qof madaxweyne oo soomaali ah.