DHEGEYSO:Ardey lagu dilay deegaanka Saboti

0
357

Qof arday ah ayaa madaxa laga toogtay, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen kadib muran dhuleed oo ka dhacay deegaanka Saboti ee ismaamulka Trans Nzoia.
Khilaafkan u dambeeyay ee u dhexeeya dadka tuulada iyo saraakiisha adeegga kaynta ee KFS ayaa ku saabsan 600 oo hektar oo dhul ah oo ku yaal aagga Exsoronzo ee deegaanka Saboti.
Musa Cheptot ayaa ahaa ardey fasalka 3-aad ee dugsiga sare ka hor inta uusan ku dhimanin gacanta saraakiisha ammaanka.
Dadka deegaanka ayaa dalbanaaya in guddiga madaxa bannaan ee kormeerka booliiska ee IPOA inay tallaabo ka qaado sarkaalkii ka dambeeyay dilka ardeygaas.