DHEGEYSO:Alfred Mutua oo cambaareeyay tacaddiga ka jiro goobaha shaqada

0
635

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo badbaadinta bulshada ee dalka Dr. Alfred Mutua ayaa cambaareeyay xaaladaha tacaddiga jinsiyadeed ee uu sheegay in ay ku soo badanayaan goobaha shaqada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in gabdhaha iyo haweenka ay helaan jawi nabdoon oo ay ku shaqeeyaan iyagoo aan lagu xadgudbin ama aan la takoorin.
Waxaa uu waaxyaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay kula taliyey in ay dhaqan geliyaan xeerarka degsan ee shaqaaleysiinta oo ay sameeyaan qaabab lagu soo gudbin karo kiisaska tacaddiga ee ka dhanka ah haweenka.
Wasiir Alfred Mutua ayaa agaasinka badqabka dhanka shaqada iyo adeegyada caafimaadka faray inuu xoojiyo kormeerrada si loo hubiyo in goobaha shaqada looga hoggaansamo xeerarka jinsiyeed.