Afar qof ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen ka dib markii ay ku soo duntay haanta biyaha xili ay goob hool ah ka daawanayeen ciyaar kubadda cagta ah xaafada Bamburi ee deegaanka Nyali ,ismaamulka Mombasa.
Sida uu sheegay guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Mombasa Mohammed Noor, shilkan ayaa dhacay abaare 6-dii maqribnimo xilli ay taageerayaashu daawanayeen ciyaar kubadda cagta ah.
Hoolka ayaa si toos ah looga dul dhisay haanta biyaha , taasoo si lama filaan ah u go’day Dadka deegaanka ayaa doonaya in maamulka Mombasa uu tallaabo qaado.