Dadka ku nool xaafadaha Madooya ee deegaanka Huruma ee magaalada Nairobi ayaa ugu baaqaya dowladda maamulka Nairobi in ay u fidiyaan kaalmo, sida cunto gargaar, hoy iyo dhar, kadib markii uu gaas ku qarxay uu galaaftay noolasha 8 qof halka ku dhawaad 80 qoys ay ku noqdeen guri la’aan iyadhoo 10 qof ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.
Si kastaba ha ahaatee dhacdadan ayaa caro xoogan ku abuurtay dadka deegaanka oo ku andacoonaya in inkastoo gurmad deg deg ah ay ku sugan yihiin deegaanada, haddana ay ka gaabiyeen wax ka qabashada dhacdadaasi, iyagoo sheegay in shidaal la’aani ay jirto.
Xilli ay warbaahinta la wadaageen cabashadooda ayaa waxaa hadaladooda ka mid ahaa.